Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee Soomaaliya “silsiladweyne”.
Sii hayaha xilka Wasiirka 1 aad ee Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka Dowladda ay u hayaan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Mr Guulleed ayaa ku amray maamulka Bank-ga dhexe in aysan lacaga laga bixi karo Akoonka Dowladda inta lagu jiro xaalada kala guur ah ee Dalka.
“Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka” ayaa lagu yiri qoraal kooban lagu daabacay Barta xiriirka bulshada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
la soco.