Tan iyo markii ay Guddoonka Golaha Shacabka maalintii Sabtida ee la soo dhaafay xilka ka qaadeen RW Kheyre iyo Xukuumadiisa waxaa Baraha Bulshadda si xooggan loogu falaanqeynayey Isbedelkaasi iyo Saamaynta uu ku yeelan doono Geeddi-socodka Hawlaha Dib-u-heshiisiinta, Wada-xaajoodka DF iyo Dowlad-gobaleedyada iyo guud ahaan Arrimaha Masiiriga iyo Danaha Qaranka.
Xilli Aragtida Siyaasiyiinta ilaa dadka caadiga lagu soo bandhigayey Baraha Bulshada iyo Warbaahinada kale ayaa waxaa mar qura la waayey Khadkii Internetka ee Muqdisho ilaa Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, halka dadka ku nool Puntland iyo Somaliland uusan saamayn ku yeelanin Internet La’aanta.
Shirkadaha, Jaamacadaha, Isbitaalladda iyo Xafiisyadda Dowladeed ilaa kuwa Rayidka waxaa saameeyey Khad La’aanta, waxaa adkaatay Isla xiriirka Qoysaska Qurbo-joogta iyo kuwa Dal-jooga.
Isweydiin ballaaran oo weli aan Jawaab Hufan loo helin ayaana aad looga doodayaa Shaaraca Mujtamaca, iyadoo ay Bulshaddu qirsan tahay in Internetka iyo guud ahaan Isgaarsiinta qeyb muhiim ka yihiin waxyaabaha daruuriga u ah Nolol-maalmeedka.
Dhallinyarada ku xiran Internet-ka ilaa shalay ma aysan isticmaalin Khadka Internetka, oo ay kala socon jireen Wararka Caalamka, Cilmiga, Sport-ga iyo Adeegsiga Baraha Bulshadda, sida YouTubeFacebook, Messenger, Instagram, Snapchat, TIK TOK iyo wixii la mid ah.
Haddaba, Shirkadda Caalamiga ee Netblocks ee dabagalka ku samaysa Ammaanka Internetka iyo Maamulka Internetka Caalamka waxay shaki geliyeen Cilladda la hadal-hayo inay ku timid Xarkaha Internet-ka “Fiber Optics” ee Khadka Internet-ka soo gaarsiiya magaalladda Muqdisho iyo inta badan Goballadda Koonfurta ee Somalia.
Shirkadda Netblocks oo Xaruunteeda Dhexe ku taallo magaalladda London waxaa la asaasay sanadkii 2017-kii.
Hadal ka soo baxay Shirkadda ayaa lagu beeniyey inay Xarfaha Internet-ka siiya Muqdisho ay cilladi la soo gudboonaatay ama uu go’ay Xargaha Internetka ee Badda gunteeda la soo marsiiyo iyo inay arrin mar la arag tahay in dalka ka jarmo Adeegaasi.
Shirkaddu waxay Warbixinteeda ku sheegtay in Khadka Internetka nooca Fiber Optic ka jarnaa magaalladda Muqdisho tan iyo Barqanimadii Axadda ee shalay, isla markaana ay saameyn xooggan ku yeelatay Macaamiisha adeegsada.
Warbixinta Shirkadda Netblocks waxaa kaloo lagu sheegay in Heerka Cabirka Internetka ee Muqdisho uu 30% ka yahay Heerarka Caadiga, isl a markaana jarista Khadka ee shalay (Axad) waxay xadiday in la Cover-gareeyo Tebinta Wararka la xiriira Dhacdooyinka Xil-ka-qaadistii RW Kheyre..
“Qiimeynta bilowga ee Xarkaha Shabakadaha Internetka ee badda hoostooda la soo marsiiyo ma muujinayaan Go’itaan ama Jaris Caalami ah ee sababtay Carqaladaynta Khadka Internetka” ayaa lagu xusay Qoraalka ka soo baxay Shirkadda Netblocks.
Dhinaca kale, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada ee Xukuumadda Federalka ee Kalsoonida lagala laabtay, Engineer Cabdi Canshuur waxa uu sheegay in la cillad-bixinayo Xargaha Fiber Optics ee Khadka Internetka soo gaarsiiya Muqdisho iyo Goballadda Koonfureed ee dalka.
Waxa uu gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya inay Dowladda jartay Khadka Internetka, isagoo dhanka kalena sheegay inay cillad farsamo dhacday, isla markaana haatan lagu hawlan yahay baaritaanka Xargaha Khadka Internetka.
Wasiirka waxa uu tilmaamay in Dabaylaha xoogan ee maalmahan ka dhacayo Muqdisho ay sababi karaan cilladda ku timid Xarkahasi oo la sheegay inay yaallan meel 300 KM ka baxsan Xeebta maagalladda Muqdisho.
Sidoo kale, Shirkaddaha Gudaha ee bixiya Khadka Telefoonada iyo Internet-ka waxay Macaamiishooda u direen Fariimo SMS oo ay raalli-gelin kaga bixinayaan Khadka Internetka ee go’ay iyo inay Macaamisiha u dul qaataan inta laga cillad bixinayo.