Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan dhex maray guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku xigeenkiisa C/weli Muudey.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud ay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran kula kulmeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Ibraahim Shiikh Muudeey. iyadoo kulanka ujeedkiisu ahaa wadahadal laga yeesho xaaladda dalka, gaar ahaan in Guddoonka Golaha Shacabka uu warbixin la wadaago Madasha Xisbiyada Qaran oo talooyin dhowr mar oo hore u jeedisay hoggaanka dalka.
“Waxaan si gaar ah uga doodney baahida loo qabo in Doorashooyinka waqtigooda ay ku dhacaan, ayna noqdaan kuwa laga wada tashaday oo loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar, loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro maanta, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo damaanad lagu xaqiijinayo dhammaan qabsoomidda howlahaas baaxadda leh oo ay noo muuqato in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn..” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Qoraalka uu soo saaray Madaxweynihii hore ayuu ku sheegay inay isla garten in wada hadallada la sii wado si ay u sahlanaato in isfaham buuxa laga gaaro arrimaha xasaasiga ah ee ku gadaaman doorashada Qaranka, si loo helo aragti mideysan oo ay ka dhalan karto kalsooni iyo in lagu wada qanco habka doorashooyinka oo loo marayo dariiqa saxda ah ee uu qabo dastuurka KMG ee Soomaaliya.