Safiirka Dawlada Qadar u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed ayaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye kusoo booqday hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho.
Waxyaabaha ay kawada hadleen weli si faah faahsan looma sheegin,balse waxaa loo badinayaa in Hormarinta Galmudug uu ka dalbaday Madaxweynaha Dawlada Qatar.
Safiirka ayaa sheegay in Galmudug ay dhaqaaqday cagtana saartay wadadii hormarka sidaa awgeedna ay mudan tahay in la garab taagan yahay.