Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ayaa xalay kulan dhinaca khadka ah internet-ka wada qaatey kadib markii uu baaqdey shirkii uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo loo balansanaa shalay oo aheyd 5/06/2020 uu ka qabsoomo Muqdisho.
Madaxda ayaa go’aansadey inay shir gaar u ah iyaga isugu yimaadaan 8-da bishaan July, 2020 magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, waxaana marti galinaya Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor.
Beesha Caalamka ayaa waji-gabax kala kulantey baaqashada kulanka Muqdisho ayaa cadaadis ku saaraysa madaxda Dowlad-goboleedyada dalka inay isku yimaadaan kulan looga wada hadlayo arimaha taagan ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo arimaha doorashooyinka dalka.
Shirkaas fool ka foolka ah oo noqon lahaa kii ugu horeeyay oo hogaamiyeyaasha yeeshaan kadib sanado aysan wadahadlin ayaa looga hadlayaa xeerarka doorashooyinka qaranka iyo guud ahaan khilaafka siyaasadeed Soomaaliya hareeyay xilligaan kala guur ah.
Madaxtooyadda Soomaaliya oo baaqashada shirkaas war kooban kasoo saartay ayaa sheegtay in ay dib ka muddeyn doonto is-araga xiga.
“Waqtiga cusub ee uu qabsoomayo kulanka la wada sugayo ee Golaha Amniga Qaranka waxa la iclaamin doonaa xilliga ku habboon,” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.
Dhanka kale Jubbaland iyo Puntland oo ah Dowlad-goboleedyo xulufo ah ayaa cadaadiska ugu badan ku haaya Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee fadhisa Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.