Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Hirshabelle ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii bilaa ilaalo ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Madaxweynaha Hirshabelle oo helicopter ka raacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku tagay Magaalada Dhuusamareeb, xilli aynaan wax ilaalo ahi la socon, waxaana loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug.
Ilaalo la’aanta uu Madaxweynuhu ku tagay Dhuusamareeb ayaa soo jiidatay indhaha bulshada, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ilaalada gaarka ahi ee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ay xalay gaareen magaaladaasi. Sidoo kalana waxaa maanta la fillayaa in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu Dhuusamareeb gaaro, isagoo ay la socdaan ilaaladiisa.
Siyaasiga Xasan Cabdulqaadir Muudey ahna La taliyaha Sare Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle ayaa tallaabada uu qaaday Madaxweyne Waare waxaa uu ku macneeyay mid ka tarjumeysa midnimada labada bulsho, bacdamaa ay waxyaabo badani ka dhaxeeyaan.
“In wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle oo aan hal askari la socon ay gaaraan Caasimadda Galmudug waxay cadayn u tahay in Hirshabelle State madaxdeedu gaareen dhul ay leeyihiin, waxayna guul u tahay midnimada labada shacab, oo in badan ka wada dhaxeeyo labadaa maamul.nWaxay astaan u tahay Hirshabelle State in ay tahay Galmudug, Galmudugna ay tahay Hirshabelle State, dadkeeduna ay hal dad yihiin.” Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir Muudey.
Xasan Cabdulqaadir ayaa boggaadiyay gogosha wadahadalka ee ay Galmudug dhigtay Magaalada Dhuusamareeb, si Madaxda Soomaalidu isu mowqif uga noqdaan arrimaha doorashooyinka ee dalka.
“Waxaan boggaadinayaa maqaamka ay gaartay Galmudug, oo maanta gogol u noqoneyso hoggaamiyayaal aad u kala aamin baxay.” Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir Muudey, La taliyaha Qaybta Saxaafadda ee Madaxweynaha Hirshabelle.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in shirka Dhuusamareeb uu ku soo idlaan doono guul taariikhiya, isla-markaana uu isu soo dhawayn doono dhinacyada ku kala aragtida duwan siyaasadda dalka.
“Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in 2020 ay billaabaneyso ‘Dhuusamareeb One iyo Dhuusamareeb Two’, taasoo aan rajeynayo in guul taariikhi ah ka imaan doonto oo dalkeenuna uga bixi doono marxaladda kala guurka ah, ee sida aadka ah loogu kala aragti duwan yahay.” Ayuu yiri Muudey.
Muudey oo warkan ku daabacay bartiisa Facebook ayaa dhanka kale waxaa uu boggaadiyay hoggaanka talada haya ee Galmudug, kuwaa oo uu ku ammaanay inay Galmudug ku hoggaamiyeen dhabaha saxda ah.
“Madaxda Galmudug, siyaasiyiinta, cuqaasha, ganacsatada iyo haldoorada siyaasiyiinta ah ee heerkan maanta gaarsiiyay Galmudug, iyaguna mahad gaara ayaan markasta u dirayaa, waana wax ay taariikhdu xusi doonto.” Ayuu yiri Muudey.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu ammaanaa in uu la yimid wax mucjiso ah, haddii uu muddo kooban ku mideeyay Galmudug-tii horaan kala qaybsaneyd, taa oo ay qayb weyn ka yihiin Golihiisa Wasiirada ee barbar socda, isla-markaana sida hagar la’aaneyd ugala shaqeeyay Galmudug-ta maanta ee midda qura ah.