Waxaa kulankii labaad magaalada Muqdisho ku yeeshay Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka iyo madaxweynayaashii hore ee hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Madasha ee fadhiga madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa dalbaday Maxamed Mursal Sheekh iyo C/weli Ibraahim Muudey, waxaana Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay kala hadleen xaaladda dalka iyo sida xal loogu heli karo khilaafka ka taagan doorashada dalka.
Kulankii hore ayaa Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa C/weli Muudey waxay madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyeen martiqaad iyo codsi kulan dhex mara Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasoo ay diideen labada madaxweyne ee hore iyagoo sabab uga dhigay inuu Farmaajo fulin waayey ballamo uu qaaday kulankoodii hore.
Kulanka galabta ayaa wararku sheegayaan in Mursal iyo Muudey aanay wax farriin ah ka sidin Madaxweyne Farmajo, balse ay iskooda u doonayeen inay madaxweynayaashii hore kala hadlaan sidii heshiis loo gaari lahaa iyo xeerjajab ku saabsan Doorashada dalka.
C/weli Muudey ayaa lagu tilmaamaa ninka ugu weyn ee ku xiran Madaxweyne Farmaajo oo u ololeynaya in muddo kordhin ilaa 2 sano ah loo helo dowladda hadda jirta, iyadoo Guddoomiye Mursal uu qeyb ka yahay qorshahani uu diiday Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxayna ka mideysan yihiin in madaxda maamul Goboleedyada wax lug ah ku yeelan arrimaha Doorashada oo awoodaasi la siiyo Guddiga Doorashada Qaran ee Xaliimo Yarey hoggaamiso.
Ma muuqato heshiis ay doorashada ka geli karaan Guddoonka Golaha Shacabka iyo madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo hore u caddeeyay inaysan ogolaan doonin hal maalin in loo kordhiyo dowladda Madaxweyne Farmaajo.