Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa sheegay in iyada oo mas’uuliyad la iska saarayo sugidda ammaanka iyo wax ka qabashada falalka liddiga ku ah aan laga maarmin qaadashada go’aanno adag.
Ciidamada ammaanka waxa uu faray in ay toogtaan cid waliba oo hubeysan oo ka shaqeyneysa falalka dhaawacaya ammaanka iyo kuwa ka dhanka ah Puntland, iyaga oo aan horgeyn Maxkamad.
“Waxa aan ballanqaadeynaa ciddii diidda baaqeyna in aan wax arxan ah u galeyn, ma qarsaneyno, waxa aan Ciidamada ammaanka farayaa in ciddii cadaw ku ah Bulshadaan ku toogta goobta aad ku aragtaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Waa uu sii hadlay waxa uu faah-faahiyay sababta keentay go’aankaan adag, waxaana uu sheegay in ay kordheen dadka cadawga ku ah Shacabka iyo Danaha Puntland sida uu hadalka u dhigay.
“Cadawga hadda jira waxa uu yeeshay waji kala duwan, waxaana rajeynayaa in lagu dhiirado wax ka qabashadooda, Cid waliba oo fal dambiyeed gasha oo hubeysan ama goob weerarto waa in lagu fuliyaa go’aankaas” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni.
Shacabka waxa uu faray in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland si looga guuleysto waxa uu ugu yeeray dad qaswadayaal ah oo daneynaya in ay ka faaiideystaan dano gaar ah.
Deegaannada DG Puntland waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni darro oo isugu jiro dilal, dhaawac, dhac ay geystaan kooxo u badan dhalinyaro iyo isku dhacyada maleeshiyo beeleedyada.