Waxaa jiraan Xeelado kala duwan ay Dowladaha aan Dimuqaraadiga ahayn adeegsadaan si xukunkooda uu noqdo mid adag kana ilaaliyo rabshado iyo banaanbaxyo qalqal gelin karaan ee ugu yimaado shacabka.
Haddii Dowladahaan ay yinhiin kuwoo awood ciidan leh, dabcan ciidanka waa kan ugu wax tarka badan ee loo adeegsado caburinta iyo cagajuglaynta shacabka, islamarkaana ku xoojin kartid xukunka, tusaale ahaan Dowladda Masar, ama Dowladii Soomaaliya ka jiri jirtay ee kali taliye M.S BARRE ama Dowlad kastoo Diktatoori ah.
Haddii ay timaado Dowlad aan awood ciidan lahayn, oo aan dalka guud ahaantiis ka talin sida ay hadda tahay Soomaaliya oo ammankeeda, madaxbanaanideeda, howlgaladeeda ay gacanta ku hayaan Dowlado iyo Ururo Caalami ah, si ay u jirto ama u noolaato ama ay u gaarto xilli dhamaadkeeda (4ta sano ee loogu tala galay), madaama ay tahay Dowlad tabar darran oo jiritaankeeda la damaanaqaaday ee kor laga ilaalinayo, labo (2) xeelado ayee adeegsan kartaa, inkasto ay awood siin karin in Dalkoo idil ka taliso, hase ahaatee deegaanka uu saldhigeedu yahay (Caasimada) ayaa laga yaabaa in qayb ka mid ah ay awoodeeda iskuugu keento.
2da xeelado waxay kala yihiin:
1) Waa Musuqmaasuq.
2) Waa adeegsiga Dadka Deegaanka.
2daan xeelado waa badqabka iyo nabadgelyada Dowlada tabarta daran.
1) Musuqmaasuqa waa in uu yahay mid baaxad leh oo caqabad
kasto kaa hortimaado ama si kaddis ah ku soo wajahdo ay ku
xalin karto. Hantida ay musuqmaasuqa u adeegsanayso dabcan
badan keeda waa tan dibadda laga helo iyo in yaroo si xaaran ah
looga soo qaado dadka deegaanka, oo aan loogu badalin wax
adeeg bulsho.
Musuqa waa inoo sameeyaa Hay’ad kastoo Dowli ah iyo qayb ka mid ah dadka Deegaanka kuwooda magaca ku leh, sida Dhaqanka, Siyaasiyiinta aan hadaf iyo mowqif midna lahayn, qaar culumo u diin, iyo dhalinyaro iyo dumar gurbaanka garaacaan ama alalaasaan goortii laga maarmi waayo.
2) Adeegsiga Dadka Deegaanka, ma dhib badana, waxaa laga soocanayaa kuwooda ugu aqoonta yar ama aan wax aqoon lahayn, kuwooda jecel in loo dhiibo xil kasto nooca doono ha noqdee, ay ku fanaan sida: Gudoomiye, ku Xigeen 1aad, 2aad, 3aad….sii wad. sargaal sare, Lataliye, Agaasime, ilaaliye iyo inta la midka ah, kuwaan uma baahno in lacag lagu musuq maasuqo,
iyagaa si gaar ah shacabkooda ugu shaqaysanayo.
Kuwaan waa kuwa adeeg kastoo loo bahan yahay diyaar u ah oo aan hadal soo celin kuu sii raacsiinayo SI SIGNORE ama YES SIR.
Labadaan qaab ee la adeegsan karo waa labada xeelado ay Dowlad tabar yar ku nabadgeli karto, oo suuro gelin karto in mar labaad la soo dorto isla Hogaanka Dalka.
Fiiro Gaar ah: qoraalkaan maaha mid u gaar ah MW hadda hogaanka haaya Farmajo ee waa mid ay horay u soo adeegsadeen Madaxweynayaashii isaga ka horeeyay Sheekh Shariif iyo Xasan SHeekh Maxamuud.
Dr. Abuukar Nuur Xuseyn