Gabar ka mid aheyd Garsoorka ayaa warar aan ogaanay waxay sheegayaan in shaqo joojin lagu sameeyey.
Muna Saalax Cumar oo ka tirsan hawlwadeenada Garsoorka dalka gaar ahaan ka hawl gasha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta shaqo joojin lagu sameeyay.
Shaqa joojinta Muna Saalax ayaa timid Kadib markii ay shir isugu yimaadeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer Ilaaliyaha Guud Ee qaranka iyo saalax sheekh Ibraahim Dhibkaawe.
Shaqo joojinta ayaa la sheegay iney tahay mid afka kadib markii ay ka codsatay in la siiyo warqad Toos ah.
Sabtidii lasoo dhaafay ayey eheed mar ay kasoo muuqatay shir ay isugu yimaadeen dhamaan hawlwadeenada Garsoorka oo ka cabanayey in shaqadooda iyo mushaarkooda la rabo in lagu wareejiyo dad ay isku heyb yihiin madaxda Garsoorka.
Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir oo ay kaga hadleyso Arinta Muna Saalax Ee Shaqo joojinta lakgu sameeyey.