Ugu yaraan 133 Muwaadiniin soomaali ah ayaa lagu soo celiyey Soomaaliya Kuwaas oo muddo 3 Bilood ah ay ku xanibnaa Dalka Uganda Kadib Markii la xayiray Duulimaadyada Sabab la xariirta Xanuunka Safmarka ah ee Coronavirus.
Kooxda waxaa ay qayb ka Noqon doonaan 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaas oo horay dowlada soomaaliya ay kasoo celisay Dalka Uganda tan iyo markii uu dilaacay Xanuunka Covid19.
Inta Badan dadka Dib loogu soo celiye Guryahooda maalinkii Sabtida ayaa ahaa arday Wax ka barata jaamacadaha kala duwan ee dalka Uganda.
Kuwa kale oo iyana diyaarado kale ay soo qaadeen ayaa ahaa Dalxiisayaal,Kuwa Booqasho u tagay iyo Ganacsato kuwaas oo dhamaantood uu ku dhacay Bandowga duulimaadyada.
Kusimaha safiirka Soomaaliya ee dalka Amb Cali Maxamed ayaa ugu mahadceliyey Dowlada Uganda sida ay u xaqiijisay Dadkan Safarka ahaa Xili uu Jiro Bandow Caalami ah oo la xariira Duulimaadyada.
“Dhamaan Dadkaan ka baxaya Uganda ee Soomaaliya aadaya,Waa la baray Waxaana laga waaye Covid-19”. Ayuu yiri Safiirka.
Amb Cali Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa Safaaradeeda Magaalada kampala ay diiwan galineyso Soomaalida Ku xaniban Dalkaas si dib loogu soo celiyo Dalkooda.
Todobaad ka hor ayay ahayd markii Soomaali ku xanibneyd Dalka Uganda lagu soo celiyey Gudaha Soomaaliya,waxaana dowlada soomaaliya ay guud ahaan soo celineysaa Muwaadinta ku xayiran garoomada caalamka.