Lahjadaha afka hooyo ama af guriga Soomaaliyeed waa ay fara badan yihiin, sidaa darteed inaadan taada un ku dhegganaanin oo aad kuwa gobollada kalena wax ka barato muhiim bey adiga kuu tahay.
Haddaba seddexda dhacdo ee aan hoos kuugu soo dhigi doono, waxaa ku dhex jira hal eray oo kolba macna gaar ah yeelanaya ee bal isku day, in aad fahamto hab socodkiisa.
1. Gacan jabtay ( Gunteeda ) ayey u taal.
2. Haani ( Gunta ) ayey ka tolantaa.
3. Hebel waa ( Gun ) ay guni dhashay.
Bal isku day in aad wax garato habka uu eraygani isu rog rogay macna ahaan.
Bashiir Cali Xusseen