Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya waxaa ka socda shir u dhaxeeyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2020/21,kuwaas oo doonaya iney isbaheysi sameystaan.
Musharaxiinta ku kulansan magaalada Nairobi aya waxay yihiin kuwa mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka,waxaana laga xusi karaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo ku wada jira Liiska Beesha Mudulood.
Xogta aan shirka ka helnay ayaa sheegaya in Sheikh Shariif iyo Daahir Maxamuud Geelle oo Labadaba ah musharaxiin madaxweyne ay doonayaan iney cududooda mideeyaan si ay tartan adag ula galaan musharaxiinta kale ee la aamisan yahay iney yihiin kuwa ugu saameynta badan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Waxgaradka Beesha Mudulood ay ku cadaadinayaan Daahir Maxamuud Geelle inuu u tanaasulo madaxweyne Sheikh Shariif oo sanadkan xoogga la isugu geynayo si ugu guuleysto doorashada 2020/21.
Sidoo kale, warar aan la hubin oo aan helnay ayaa sheegaya in Xasan Sheikh Maxamuud uu qudhiisa u tanaasulayo Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Doorashada sanadkan oo xamaasad gooni ah leh ayaa la aamisan yahay iney ka adag tahay doorashooyinkii hore ee dalka soo maray.