Xubnaha Baarlamaanka Federalka Somaliya, ayaa lagu wadaa maanta inay yeeshaan mid ka mid kulamada xasaasiga ah ee Golaha ay isugu yimaadaan.
Kulanka maanta Xildhibaanada ay yeelanayaan ayaa Ajandihiisa wuxuu yahay ansixinta xeerka asteynta kuraasta Baarlamaanka, waxaana la filayaa in Munadayaasha ay Cod gacan taag u qaadan xeerkaas.
Inkastoo xeerkaan ay ka caroodeen Beelo badan oo Somaliyed oo si adag uga soo horjeestay in Kuraastooda loo wareejiyo deegaan aan aheyn deegaan doorashadooda, ayaa haddana Xeerkaan wuxuu yahay mid ay dan ugu jirto Xildhibaanada.
Qorshaha Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa wuxuu yahay mid kasta inuu ku soo laabta Kursiga uu hadda ku fadhiyo si taasi ay u dhacdana, uu gaysanaayo Kursiga Beeshiisa deegaanka ugu fudud ee uu ku boobi karo.
Xalay ayaa waxaa jiray Xildhibaano kala duwan oo shir xasaasi ah ka yeeshay arrinta ku saabsan Asteynta Kuraasta Baarlamaanka ee maanta codka loo qaadi rabo, waxaana ay isku raaceen Xildhibaanadaasi inay cod gacan taag ah ku codeeyaan.
Ololaha doorashada Somaliya ayaa si xawli ah ku socdo, iyadoo Xildhibaan kasta isku dayayo sidii kursiga uu dib ugu soo laaban lahaa.