Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ka jawaabtay eedeynta xoogan, ee kaga timid Madasha Xisbiyada Qaran.
Tani waxay ka dambeysay markii ay ku eedeeyeen in Guddiga Doorashooyinka uu ku fashilmay waajibaadkii loo igmaday, kuna baaqay in ay is casilaan Xubnaha Guddiga Doorashooyinka. Eedeynta Madasha Xisbiyada Qaran waxay ku soo aadeysaa, markii ay Sabtidii Xaliimo Yarey ka hor sheegtay Golaha Shacabka inaanay doorashadu ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa marka hore sheegtay inay caqabad ka haysatay in doorashada ku qabsoomto waqtigeeda, taasoo ay ugu horeyso iyadoo aan weli loo soo gacan-gelin sharcigii doorashooyinka iyo inaanay saamileyda siyaasadda heshiis ka gaarin nooca ay tahay doorashada dalka laga qabanayo.
“Anagoo sheegeyno doorashada sidee u dhaceyso, kuna cabireyno doorashooyinka adduunka sidey u dhaceen oo la jaan-qaadeyno xaaladda dalkeena ka jirta ayaa hadana waxaan sheegeynay markasta, oo ay ku lifaaqneyd waa in la hellaa sharci doorasho ugu horeyso. Waxaa kaloo ku jirtay inaan helno dhaqaale iyo in nabadgelyadii la suggo. Midda ugu weyn waxay ahayd in heshiis siyaasadeed laga wada gaaro doorashadaas aan sheegeynay in loo wada qaato. Sidii ayaana ku soconay weligeyd.” Ayay tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo la hadashay VOA.
Waxay sheegtay inaysan ku guuldareystay in doorashada ku qabtaan waqtigeeda, balse waxa dib u dhaca keenay uu yahay, iyadoo aan laga caawinin jidkii ay ku gaari lahaayen in doorashada lagu qabto waqtigeeda.
“Doorashada waqtigeeda inaan ku qabano ma aanan ku guuldareysanin. Doorashada waan sheegeynay waxaan u baahanahay inaan qabano. Madasha waxaa laga rabay inay Xisbiyo joogto ah iska soo dhigaan, laba ka mid ah maanta way ka shaqeeyeen, wayna soo buuxiyeen, inta kalana waxaan ugu baaqeynaa inay saas yeellaan, ayna ka shaqeeyan sidii ay Xisbiyo rasmi ah u noqon lahaayen. Inay nagala shaqeeyan ayay ahayd baadi-goobka sharciga doorashada.” Ayay tiri Xaliimo Yarey.
Mar ay ka jawaabeysay baaqii Madasha Xisbiyada Qaran ee ahaa in Guddiga Doorashooyinka is casilaan ayaa waxay sheegtay inay is casili doonaan, marka lagu helo inay qiyaano qaran ku kaceen.
“Anaga waxaan is casileynaa haddii dembiile noqono, haddaan qaa’inal wadaniyiin noqono, haddii shaqadii naloo diray aan qaban weyno. Shaqadii naloo diray ma aanan qaban weynin.” Ayay tiri Xaliimo Yarey.
Waxa kaloo ay tiri “Waxaan is casileynaa marka intii sharcigii doorashada faraha naloo geliyo asagoo dhameystiran, markii heshiis siyaasadeed aan heyno ee nala diray, ee nala yiri qabta doorashada oo aan qaban weyno.”
Waxay intaa raacisay “Waxaan nahay hay’ad dastuuri oo aad u dhisan, shaqaale cajiib ah leh oo hufan, waayo arag ah, shaqadoodana qaban kara inaanu nahay.”
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid in doorashada dib uga dhacdo waqtigii loo muddeeyay, wixii dhibaato ee arrintaasi ka yimaadana ay masuuliyadeeda qaadi doonto Dowladda Federaalka.