Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee DG Galmudug, Daahir Shidane Cabdi ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaallo Degmadda Cadaado ee Gobalka Galgauduud.
Wasiirka waxa la sheegay inuu ku soo dhaawacmay, xilli uu ku guda-jiray dhexdhexaadinta Maleshiyo Beeleed ku dagaalamayo Deegaanka Xananbuure ee ka tirsan Gobalkaasi.
Marxuumka waxa uu ka mid ahaa Guddi Dhexdhexaadin oo loo diray inay xaliyaan dagaalka ka socda Deegaankaasi.
Dhinaca kale, Ciiddan ka tirsan kuwa DFS ayaa gaaray Deegaanka Xananbuure, waxayna ciiddanka la wareegeen Ammaanka Deegaankii lagu dagaalamay.
Xaalladda haatan wey deggan tahay, waxaana socda dadaal Nabadeed, mana kala cadda inay Ciiddanka DFS hubka ka dhigi doonaan Maleeshiyadii dagaalantay.
Si kastaba ha ahaatee, Colaadda ka dhacday Deegaankaasi oo ay Tobaneeyo qof ku geeriyootay waxa uu salka ku hayaan Muran la xiriira Baraag-biyood laga qoday Deegaanka.