Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Mintidiinta Shabaab ayaa xalay weeraray Saldhig Ciidamada Militariga Somaliya ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa Shabaab waxa ay la beegsadeen Saldhiga Ciidamada Militariga ee ku yaallo halka loo yaqaan Bacaadaha oo ku taallo Xaafadda Hawlwadaag.
Ugu yaraan saacad ayuu socday dagaalka oo dhinacyada isku adeegsanayeen hub kala duwan, waxaana dagaalka ka qayb qaatay Ciidamada Jabuuti oo ridaayay hub culus oo laga maqlay guud ahaan Magaalada Beledweyne.
Illaa hadda lama oga inta uu la eeg yahay Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee ka dhashay dagaalkaasi xalay Magaalada Beledweyne ku dhexmaray Ciidamada Shabaab & Militariga Somaliya.
Xoogaga Shabaab ayaa xilliyada habeenkii weeraro gaadmo ah waxa ay ku qaadaan Saldhigyada ay degan yihiin Ciidamada Xoogga dalka Somaliya & kuwa Amisom.
Saaka ayaa Ciidamada Militariga ay ku dhaqaaqeen duleedka Magaalada Beledweyne si ay u baadigoobaan raadadka xubnaha Shabaab ka tirsan ee xalay weerarka soo qaaday.