Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay shalay in gobolka Benaadir uu matalaad 13 xubnood ah ku yeesho golaha Aqalka Sare.
Tiro xildhibaano ah oo gaaraya 142 xubnood ayaa u codeysay ansixinta moshinkan iyadoo 4 xubnood oo kali ahna ay ka soo horjeesteen, waxayna tallabadani ka dhigan tahay in Aqalka Sare oo markii hore ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada matalayay ay haatan ku soo biirtay Muqdisho tiradiisa guudna ay noqon doonto 67 Senator.
Dadaalka loo galay ka miro dhalinta arrinta ku saabsan metelaada gobolka Banaadir ee Aqalka sare ma aheyn mid hadda bilowday, Hadal heynta ku saabsan maqaamka iyo matalaada gobolka Benaadir waxay aheyd mid muddo dheer soo jiitamaysay oo afka baarkiisa aan soo dhaafin, waxaana qodobkaas uu noqday mid ololihiisa laga gaabsado, maadaama ay xilalkooda ku waayeen sanado ka hor masuuliyiin isku dayey iney arrintaas dhaqaajiyaan, balse ugu dambeyn waxaa derbigaas ku dhiiraday inuu jebiyo, Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia kaasoo dhiig cusub ku shubay ololihii la xiriiray sidii loo heli lahaa xuquuqda siyaasadeed ee Muqdisho.
Haddii aan dhowr bilood ka hor taariikhda dib ugu laabano arrintan ayaa soo bilaabatay 2-dii bishii February ee sanadkan markii Senator Dufle uu fadhiga Golaha Aqalka Sare ka jeediyey hadal taariikhi ah oo horseeday in la helo metelaada gobolka Banaadir xili goluhu ka doodayey Ajende la xiriiray Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal.
Prof. Dufle ayaa hadal jeedintiisa si geesinimo leh diirada ugu saaray sidii loo heli lahaa metelaada Muqdisho oo gebi ahaanba aan lagu soo hadal qaadin sharciga doorashooyinka, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in xuquuqdooda la duudsiiyo dad saddex milyan ka badan oo ku nool Muqdisho, kuwaasoo aan lagu xusin sharciga doorashooyinka cidii ku meteli laheyd siyaasada dalka.
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia ayaa 8-dii isla bishii Febraayo ee sanadkan ansixiyay Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal ka dib markii muddo laga doodayey, waxaana nasiib wanaag noqotay in sharcigan lagu soo daray qodobkii muhiimka ahaa ee uu soo jeediyey Senator Prof. Dufle oo ahaa metelaada G/Banaadir, kaasoo si buuxda loo tixgeliyey, waxaana laga dhigay qodobka 12aad faqradiisa 6aad ee sharciga doorashooyinka oo u qoran sidan:-
(Xuquuqda metelaada gobolka Banaadir waxaa xeer ka soo saaraya labada gole ee Baarlamanka federaalka Somalia).
Ugu dambey sidaas ayey ku rumowday riyadii shacabka Muqdusho ay mudadii dheer ku taamayeen, waxaana dhowaan la soo saaray xeerka metelaada gobolka Banaadir ee shalay la ansixiyey kaasoo ka mid ahaa afar xeer oo ay soo diyaariyeen Guddiga Wadajirka ah ee Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo sidoo kale uu xubin ka ahaa Senator Prof. Dufle.
Muran kama taagna in xeerkan markii uu soo gaaray Golaha shacabka uu taageero badan ka helay xildhibaano badan iyo xitaa Madaxda sare ee dalka balse xaqiiqadu waxay in Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle uu taariikhda ku galay inuu noqday xildhibaanka kaliya ee markii ugu horeysay soo jeediyey in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Golaha aqalka sare xiligii uu socday kalfadhigii 6aad ee Baarlamanka, taasoo ugu dambeyn lagu guuleystay.
Senator Prof. Dufle ayaa noqday halyey soo jiitay quluubta shacabka Muqdisho, maadaama uu horseed u noqday in la helo xuquuq muddo dheer ka maqneyd oo siyaasiyiin iyo madax ka horeysay ay ku fashilmeen, taasina waxaa uu ku muteystay iney sii siyaado sumcadii iyo sharaftii uu horeyba ugu dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.
W/Q: Maxamed Xuseen Suge
[email protected]