Sida ku xusneyd Qoraal uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland,Suleymaan Yuusuf Cali Koore ayaa waxa uu sheegay in Ruqsadii Shaqo kala noqdeen Telefishinada Universal iyo StarTV.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa amar ku bixiyay in Receivera-da ama Janaalada laga saaro telefishannada STAR iyo Universal, Sidoo kale ganacsatada Somaliland ayuu ugu baaqay in ay kala noqdaan xayeysiisyadii ay horey u siiyeen labadan teleefishan.
Tallaabadaan ayaana u muuqata mid la rabo in lagu cuuriyaamiyo labadaas Tv sida ay wariyeyaasha qaar sheegeen,waxaana xaruumo waa weyn ku lahaayeen deegaanada Somaliland aadna looga daawan jiray.