Jawaar Maxamed oo ah siyaasi caan ka ah dalka Itoobiya gaar ahaan Qoomiyadda Oromada ayaa xabsiga loo taxaabey.
Jawaar waa siyaasi hormuud ka ahaa kacdoonkii Oromada, isagoo ah aas-aasaha shabakadda warbaahinta Oromada ee OMN.
Sababta xadhigiisu illaa hadda ma cadda, hase ahaatee waxaa dalkaasi ka taagan xiisad ka dhalatay dilka Fanaan saameyn ku lahaa Oromada.
Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa.
[email protected]