Odey Warsame oo Muqdisho soo galey 1965-tii ayaa iiga Sheekeeyey Qisadan1997-dii.
Warsame oo Noloshii yaraantiisii baadiye ku soo qaatey ayaa hadalka ku bilaabey.
” Waxaan kor ka soo raacay mid kamid ah dhowr baabuur oo Muqdisho Dhuxul u wadey kaas oo ay Hooyadey igala soo dardaarantey in darawalku i geeyo Xaafada Boon-dheere oo uu Caan ka ahaa Aabahey.”
Warsame oo Sheekada ii Macaaneynayey Xiiso fiicana iigu yeelaya ayaa Gacmaha taagtaagayey Madaxana ruxayey inta uu warka ii Wadey.
“Adduun Waxaan la yaabaa Xamar Dhibkaan ka soo marey iyo sida ay dad rabaan in ay ugu Cayaaraan Madaafiicna ula dhacayaan
Safar dheer kadib amin habeen ah ayaan soo gaarney Duleedka Magaalada Muqdisho, Waxa aana seexaney bar Kotorool oo meesha ku Taaley….Duurgaloow hadda waxa aan ka Sheekeynayo waa Adduun iyo Barisamaadkii “
inta uu yiri ayuu sheekadii halkii iiga sii wadey.
“Waxaa ii Muuqdey nalalkii Waaweynaa ee Magaalada Xamar, Markaa ayaan qayliyey oo iri ar Faynuustaa .. Faynuusteena ka if badan aqalkeenii ayey ku fiicneyd…dadku waa igu qosleen..waxaana layaabanaa kalmad walba oo aan ku hadlo waa la igu qoslayey maanta oo dhan…
Subaxnimadii ayaa baabuurkii soo dhaqaaqey, markii Muqdisho aan soo galney ayaa waxaan arkey Fiilooyinkii Korantada ee baalayaasha ku xirnaa…markaa ayaan laacay oo qabsadey aniga oo iri ar Xarigan Quruxda badan Awrtanadii ayuu ku Fiicanyahay in Hogaan iyo Dabar looga dhigo…
Haddana waxaa igu soo boodey Wiil reer Magaal ah oo gaariga ila saarnaa oo yiri war siidaa Korontada yey ku qaban xarig ma aha ee…markaa ayaan aayar fariistey aniga ka Cadhoodey waxa dadku iigu qoslayaan markaan hadlaba …
Waxaa kale oo ka sii darnaa Xaafada Boon-dheere oo Aabhay Deganaa Markaan marayno Dalcada Nasiib Buundo ayuu baabuurkii Hoobadka ku taraaraxay…markaa ayaan Madaxa gacmaha saartey oo ashahaatey…ar waa noo dhamaatey…waa noo dhamaatey ….waa dhimaneynaa..waa dhimaneynaa…
Wiilkii igu da,da ahaa balse reer Magaal culus ahaa ayaa igu qayliyey…
” Waryaa aamus Fariiso ha ka dhicin baabuurka ee” haddana Waan aamusey oo fariistey aniga oo yaaban.
Meel kamid ah Degmada Boondheere oo ah Xaafadii lagala soo balamey in uu i geeyo ayaa uu istaagey Baabuurkii.
Dadku jaranjaro ayey ku soo dagteen aniguse ma garaneyn si looga dagto baabuurka ee inta aan istaagey ayaan iska soo boodey…waxaana xoog ugu soo dhacey dhulka iyada oo jug culus i gaartey….Markaan dhulka ku soo dhacey waxaan dareemayey Xanuun…inta aan haahaabtey ayaan horey ka sii istaagey…markaan soo dhaqaaqeyna waxaa iga daba yimid Wiilkii reer Magaalka ahaa oo qiyaasta Faceyga ah.
Wax uu i weydiiyey meesha aan u socdo iyo Halka aan ka imid
Waxaana u sheegay in Aabahay uu Xaafadan Deganyahay.
Waxa uuna igu yiri ” Waxa aan rabaa in aan dawarsano..”
Markaa ayaan iri Dawarsi maxaa la yiraa?!
Markas ayuu iigu jawaabey “gacanta ayaan taageynaa marka uu qof naga hor yimaado waxaan anigu leeyahay Magan alla…Adna waxaad dhihi Magan rasuul..markaa lacag ayaa nala siin aan waxaan cuno ku iibsano”.
Waxyar markaan soconey ayuu nin naga hor yimid markaa ayuu wiilkii yiri Magan alla balse anigu waan illoobey intii uu ii sheegay in aan ka daba dhaho.
Ninkii ayaana raacdeystey wiilkii reer Magaalka ahaa..
“Bax Ciyaala Suuqyahow”
Wiilkii markiiba isaga oo careysan ayuu igu soo laabtey…laba dharbaaxo ayuu igu dhuftey isaga oo leh..Maxaad iiga daba dhihi weyday Magan Rasuul..”
Alla Walaalow wey iga luntey ee ha i dilin, ayaan iri .
ninkii ayaa arkey oo ku soo noqdey
“Waryaa iska dhaaf miskiinka reer baadiyaha ah”inta uu yiri ayuu ii yimid waxa uuna i weydiiyey halka aan ka imid iyo meesha aan u socdo.
Markii aan u sheegeyna waxa uu gartey Aabahay..islamarkiiba waxa uu ii wadey gurigii Aabahay…taas waxaa iiga darnaa Ciyaalkii Xaafada Markii ay arkeen in aan reer baadiye ahay oo aan wato Ul dheer iyo boorso maqaar ah Qayd yarna uu hoos iigu xiranyahay oo feero qaawanahay, intey igu soo shireen ayey dhagax igala daaleen iyaga oo ku qaylinaya
” Reer baadiye Buunshey Cunaan…Reer Baadiye Buunshey Cunaan”.
Ninkii i wadey mar labaad ayaa waxa uu bilaabey in uu Caruurtii iga celiyo waxaana kamid ahaa wiil Aabahey dhaley Caruurtii i Faduulineysay.
Inta uu wiilkii u yeerey ayuu yri
“Waryaa wiilkan wad Waa Walaalkaagii Aabahaa dhaley ee Baadiyaha jirey ee”
Markii loo sheegay inta uu i raali galiyey ayuu i soo wadey .
Waxa uu i keeney Guri Mitir Kuube ah oo Jaranjaro hoos loo daganayo leh.
Albaabka inta uu gargaraacay ayuu yiri “Fahmo ayaa kaa fureysa ee sug Waxyar” isagana uu Ciyaartiisii u ordey.
Marka uu wiilkii tagey waxa aan soo xasuustey war ay hooyadey igu Cabsiin jirtey Marka aan dhaho Aabahay iyo Xamar baan rabaa..kaas oo ahaa in Ciyaalka Xamar uu Albaabada iyo Daaqadaha Waraabe kala baxo…
Markaa ayaan Ushii diyaarsadey Maradiina si fiican u Xirtey… Fagtii Qataarkii Albaabka markaan Maqley …ayaa Ushii aan Watey aan laba goor u galiyey Iridii..Dam…Dam…..
Lasoco Qaybta 2aad
Mohamed Farah Duurgal.