Dawlada Ingiriiska Ayaa waxay sheegtay inay si dhaw ula socoto Arimaha Siyaasada iyo doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo Sanadka dambe.
Safiirka UK ufadhiya Soomaaliya Ben fender ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu sheegay inay yadadiilo ka muujinayaan qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah.
Waxa uu safiirka bogaadiyey Doorka Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Hadalkii Xaliimo Yareey Shalay ka sheegtay Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Danjire Ben Fender waxa uu sheegay inay ku celinayaan sida ay ugu qanacsan yihiin is aragti in laga noqdo Doorashada Soomaaliya 2021-ka oo dhexmarta Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada,ayna bogaadinayaan Kulanka looga arinsanayo Arimahaasi.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan arko Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya @NIECsomalia oo xaqiijiyey in ay dhici karto doorasho toos ah “One man One Vote” horaanta sanadka 2021 (gaar ahaa nooce hore ee diiwan gelinta iyo codeyntu ay isku maalin dhaceyso maadaama ay ku kacayso qiime macquul ah. Waxaan soo dhaweyneynaa kulanka madaxweynayaasha dawlada federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah in ay sida ugu dhakhsaha badan u wada hadlaan iyada oo la fiirinayo in la gaaro is afgarad balaaran si horey loogu socdo oo loo dhameystiro howlaha wakhtiga kala guurka” Safiirka UK ee Soomaaliya.