Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland, Xil.Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo mowqifka Puntland ee Matalaada Gobolka Banaadir iyo Xeerarka dooashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Shacabka.
Xildhibaanka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in aan wax sharci ah loo maqrin 13 kuris ee Aqalka sare laga siiyay Gobolka Banaadir,sidoo kalena Puntland aqbaleyn go’aanaa lagu gaaro Xeerarka doorashooyinka oo ay badankood ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Waxaa uu sheegey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland, Xil.Ismaaciil Maxamed in Puntland dooneyso in ay noqoto ‘dowlad’ ka gaar ah Soomaaliya inteeda kale, haddii buu yiri aan wax laga qaban xaaladaha taagan.
labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Puntland kasoo baxayay hadalo xanaf ah, oo ay uga soo horjeedaan Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay Gobolka Banaadir ugu ansixiyeen in 13 Xubnood laga siiyo Aqalka Sare.