Sida aan goob joogayaal iyo dad lagu kalsoon yahay waxaa galabta casirkii uu qarax ka dhacay meel ku dhaw isbartiibada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa bambaanada gacanta laga tuuro iyadoo qaraxa kadib rasaas la maqlay.
Gaari uu la socday gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa meesha marayey oo lagu tuuray bambaanada.
Xilligaas ayuu usocday garoonka isbartiibada MUQDISHO iyadoo uu dib ulaabtay gaarigaas iyo kuwii galbinayey.
Ciidamada Amniga ayaa qarax kale kasoo saaray meel ku dhaw garoonka,waxaana daqiiqado Kadib Cumar Filish uu gaaray garoonka.
Ma jirto war kasoo baxay laamaha amniga oo ka hadlay qaraxii galabta ka dhacay meel ku dhaw isbartiibada MUQDISHO gaar ahaan isgoyska Cali Kamiin.