Safaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay aqoonsiga dowladda federaalka ee madaxweynaha Jubbaland iyo shirka wadatashiga ah ee madaxweyne Farmaajo uu iclaamiyey, kaas oo la filayo inay isugu yimaadaan madaxda dowaldda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.
“Waxaan soo dhaweyneynaa oo bogaadineynaa, ku dhawaaqidda dowladda federaalka iyo shirka madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo aqoonsiga dowladda ee maamulka Axmed Madoobe. Wadahadalka iyo dib u heshiisiinta ayaa fure u ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee safaaradda.
Qoraal shalay kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa madaxweyne ku meel gaar ah loogu aqoonsaday Axmed Madoobe in uu ka ahaado Jubbaland muddo laba sano ah oo kasoo bilaabaneysa markii uu dhamaaday mudo xileedkiisii hore sanadkii 2019-kii.
Sidoo kale war-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa Axmed Madoobe loogu baaqay in uu isku keeno qeybaha kala duwan ee bulshada reer Jubbaland, si dib u heshiisiin loogu sameeyo dadkii ku kala irdhoobay doorashadii u dambeysay ee ka dhacday Kismaayo loona helo maamul la isku raacsanyahay oo bedela kan haatan markii uu wartihiisu dhamaado.
Jubbaland oo ka jawaabtay aqoonsiga kasoo yeeray dowaldda federaalka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay nasiib-darro tahay in dowladda federaalka Soomaaliya “ay mar walba ku dhaqaaqdo tallaabooyin si toos ah uga hor imanaya dastuurka dalka u yaalla.”