Tabobaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in ciyaartoyga kooxdiisu salaan sharafeed ku siin doonaan garoonka Etihad Stadium maalinta Khamiista ah naadiga Liverpool ee ku guulaystay horyaalka Ingiriiska.
Waxay noqon doontaa ciyaartii ugu horraysay ee Liverpool lagu siiyo salaan sharafeedkaa muddo 30 sano ah oo ay sugaysay koobka horyaalka Ingiriiska oo ay ku hanatay natiijada ciyaartii Chelsea ay kaga badisay Man City.
“Waxaan doonaynaa inaan koox ciyaartoy ah u safno oo ay salaan sharafeed siiyaan” ayuu yidhi Guardiola.
Waxaanu intaa ku daray “salaan ayaanu isula taagi doonnaa Liverpool marka ay garoonkayaga yimaadaan oo waxaanu ku qaabili doonnaa hab maamuus sare. Sidaana waxa aanu yeelaynaa waxa weeyi in ay mutaysteen”.
Dhanka kale, Gauradiola ayaa mar labaad diiday inuu ka hadlo inuu doonayo inuu kooxda Man City la sii joogayo iyo in kale mrka qandaraaskiisu dhamaado 2021-ka.
Sannadkaa marka la gaadho waxa u buuxsami doona shan xilli ciyaareed oo uu hogaanka u hayey kooxda, mudadaas oo ka badan intii uu hogaanka u hayey kooxda Barcelona waxaana jira hadal hayn ah inuu danaynayo inuu taxaddi kale isku qaado.
Isagoo hadal jeediyey wax yar uun ka hor ciyaartii rubuc dhamaadka tartanka FA ee Axaddii ka dhacday magaalada Newcastel, ayaa Guardiola yidhi “run ahaantii aad baan ugu hammuun qabaa qaybta xili ciyaareedkan, laakiin ka dambe waan arki doonaa sida wax u dhacaan. Si aad ah ayaan ugu qanacsanahay in aan kooxdan hogaanka u hayo mana doonayo in aan aad uga fikiro wax mudada fog ah”.