Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis, ka dib wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qorneyd:–
Wareegto Madaxweyne
Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd
Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Maxamed Axmed Caalin Yuusuf, Gudoomiyaha Gobolka Awdal.
Axmed Cismaan Xasan Cilm,i Gudoomiyaha Gobolka Sanaag
Axmed Maxamed Xaashi Ducaale, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil.
Axmed Cige Maxamed Geeddi, Gudoomiyaha Gobolka Hawd.
Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley.
Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Saraar
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.