Heesaaga Caan baxay ee Hajalu Hundeesaa ee ka soo jeeda Qowmiyadda Oromo ayaa waxaa saqdii xalay ee lagu dilay Xafaadda Akaki Kality Sub City Wereda 4 ee caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.
Heesaaga waxa uu u geeriyooday dhaawacyo rasaaseed, wax yar kadib, markii loola cararay Isbitaalka Tirunesh Bejing General Hospital ee magaalladda Addis Abeba.
Ra’isul-wasaaraha dalkaasi. Abiy Ahmed waxa uu ka tacsideeyey geerida Fannaankaasi, kuna tilmaamay inuu ahaa Shaqsi qaali ah oo aad loo jeclaa.
Taliyaha Booliska Addis Abeba, Getu Argaw waxa uu sheegay in dhowr qof loo soo qabtay dilka Fannaankaasi.
Khadkii Internet-ka iyo Isgaarsiinta Telefoonka oo laga wada xayiray Addis Abeba iyo magaallooyinka kale, iyadoo aan la helin karin Wararkii ugu dambeeyey ee Qalalaasaha ka dhashay dilka Fanaankaasi.
Dhinaca kale, Boqolaal qof ayaa isku gedaamay Naxasha uu ku jiray Maydka Fannaanka la dilay, markii laga soo bixinayey Isbitaalka Paulos Hospital, waxaana maydka loo qaaday Degmada uu ka soo jeedo ee Ambo oo ku taalla Gobalka Oromia ee Galbeedka Addis Abeba.
Dibadbaxyo Tiiraanyo leh ayaana laga dhigayaa magaalladda Addis Abeba iyo qeybo ka mid ah Gobalka ay Qowmiyadda Oramada degaan.
Ma kala cadda sababta loo dilay Fanaankaasi, waxaana socda baaritaano dheeraad ah.