Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed Ayaa waxa uu ka hadlay Fal celinta ka timid Hanaanka Loo maray Kuraasta Gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka Sare.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA THABIT CABDI MAXAMED
Waxaan aad uga xumahay ifa-faallaha waayadan dambe ka dhex curtay bulshadeena ee aad moodo in is-naceyb dadka dhexdooda ah dib looga hurinayo si dano siyaasaddeed loogu gaaro.
Nabigeen suuban CSW wuxuu leeyahay “qof mu’min ah god laba jeer lagama qaniino.” Sidaa-darteed sax ma aha in halkii aan shalay ku jabnay, mar kale dib loogu laabto.
Soomaalida waxaa ku yaala booggo aan wili la dhayin oo ka dhashay dhaawicii kala gaaray xilligii dowladnimadii aan loo dhameyn iyo kadib burburkii dowladnimada. Maanta waxaan ku jirnaa dhayidda dhaawacayadii iyo in dib loo dhiso is-ogolaasho, is aaminaad iyo walaalnimo dhexdeena ah.
Haddaba, waxaan ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed oo dhan in la wada arko waxa weyn ee iskugu kaaya-tolan oo ay ugu horeyso Isir Soomaalinimo oo aan dhammaad laheyn.
Uga dambeyn, dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan leeyahay deegaan kasta oo aad ku nooshahay iyo mustaqbalkiisaba idinka ayaa leh ee yaan dad dano gaara leh idinka dhigan xaabo dabka lagu shito. Hoggaamiyaasha siyaasaddana waxaan leeyahay dalka iyo dadka ma mudna falsafadda ah “Qeybi oo Xukun” balse waxay mudan yihiin “ Middeey oo Hoggaami.”
Mahad-badan.