Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaalada Siyaasadeed ee dalka,sida Arimaha doorashada,Mataalada Gobolka Banaadir iyo xeerarka ay an sixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Xildhibaannada Puntland oo kulan ku yeesheen Garoowe ayaa waxaa ay kasoo saareen War-Saxaafadeedka ka kooban 13 qodob , iyaga oo ku sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin Xeerarka doorashadooyinka oo ay ansixiyeen Xildhibannada Golaha Shacabka.
Golaha Wakiilada Puntand waxaa ay gebi ahaanba diideen matalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare laga siiyay 13 Xubnood,iyaga oo sidoo kale sheegay in hadal-jeedintii guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee doorasjooyinka ay u muuqatay mid Guddiga uu ku fashilmay Shaqooyinkii loo igmaday.