Shir muddo laba Maalin ah uga socday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa qodobada laga soo saaray waxaa kamid ahaa iskaashi la xiriira dhinaca Amniga.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in labada maamul ay isla garteen ilaalinta iyo xoojinta Midnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaamka Federaalka.
Sidoo kale dhinaca Amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si gaar ah amniga degaannada Gobolka Mudug oo marraka qaar ay weeraro kala duwan ka fuliyaan Al-Shabaab.
Magaalada Gaalkacyo oo ay wada maamulaan Galmudug & Puntland ayaa waxaa marraka qaar ka dhaca falal amni darro, iyada oo dhawaan weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug Puntland Axmed Muuse Nuur Yare.