Xisbi siyaasadeed ay leeyihiin xubnaha xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah looga diiwaan-geliyey xarunta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran, siday ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Badweyn.com
Xisbigan ayaa la siiyey magaca Nabad iyo Nolol, oo ah kan ay ku caan baxday xukuumadda markii uu talada qabtay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana guddoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, sida aan xogta ku helnay.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in guddoomiyenimada Mahdi Guuleed ay ugu wacan tahay ayada oo aysan kala caddeyn qorshaha madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha ee xisbigan iyo doorashada soo socota.
Ilo-wareedyo ku dhow Kheyre ayaa si kastabasheegay in xisbiga uu wato madaxweynaha, xilka guddoomiyenimadana uu usii hayn doono Mahdi, inta ay kasoo dhowaanayaan doorashooyinka. Waxay diideen inay macneeyaan hadalkaas iyo wax faah-faahin oo intaas dheer.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddo lagu xamanayey inuu doonayo inuu isu sharxo madaxweyne, inkasta oo wararkaas ay qaboobeen bilihii dhowaa, una eg tahay inuusan sidaas sameyn doonin.
Diiwaan-gelinta xisbiga cusub ayaa imaneysa ayada oo toddobaadyadii dhowaa xukuumadda lagu eedeynayey in sababta aysan weli xisbi u sameysan ay tahay, inay dooneyso muddo kororsi iyo inaysan doorasho dalka ka qaban.