Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo inuu cudurka Corona virus ku faafo gudaha magaalada kismaayo iyo deegaanada Jubbaland, iyadoona arintan ay digniin ka soo saarayaan guddiga maamulka jubbaland u qaabilsan covid19.
Wasiirka caafimaadka ee Maamulka Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu xaqiijiyay in kiisas cusub oo la xiriira Covid 19 laga helay deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland, isagoona sheegay in 34 qof oo cusub laga helay cudurkaasi.
Wasiirka ayaa waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay qaataan talooyinka caafimaadka ee ka imaanaya guddiga wacye gelinta ee ka hortaga cudurka Corona Virus.
Cudurka covid 19 ayaa saameyn waxaa ku yeeshay guud ahaan soomaaliya, iyadoona maalin maalinta ka dambeysay ay isa soo tarayaan dadka laga helayo covid 19.