Waxaa saakay baaqday kulan la filayay in ay yeeshaan xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana inta badan xarunta aqalka sare aan soo xaadirin Senetarada Aqalka sare.
Senator Iftin Xasan Baasto oo katirsan Xildhibaanada Aqalka sare ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya isbaaro u dhigatay sidii uusan u furmi laheyn kulamada ay yeelanayaan Xildhibaanada Aqalka sare.
Waxa uu sheegay Senetarka in Madaxweyne Farmaajo ka shaqeenayo sidii loo curyaamin lahaa shaqada Aqalka sare , waxa uuna tilmaamay in Madaxweynaha ku xadgudbayo sharciga iyo dastuurka dalka u yaala.
”Mudane Madaxweyne ka fiirso waxa aad ku dhaqmeyso, sharciga haku xadgudbin dib u dhacna dalka ha u horseedin, Madaxweyne waad fashilantay dalkana waad bur burineysaa ee ka fiirso waxa aad faleyso” ayuu yiri Senator Iftiin Baasto.
https://connect.facebook.net/en_GB/sdk.js#xfbml=1&version=v7.0
Sanatar Iftiin Baasto; Madaxtooyadda Soomaaliya waxay waddaa qorshe ay ku bur burineyso Aqalka sare iyaddoo kulankii saakana isbaaro u dhigatay.
Posted by Universal Somali TV on Saturday, 27 June 2020
Senatarka ayaa sheegay in Madaxtooyada horey u curyaamisay shaqadii Xildhibaanada Aqalka hoose hadana usoo jeesatay sidii loo curyaamin lahaa shaqada Aqalka sare , waxa uuna cadeeyay in ay ka shaqeenayaan sidii kulamada u furmi lahaayeen.
Hadalka Senatorka ayaa kusoo aadaya xili aysan Aqalka sare wali bilaabin kulamadooda halka aqalka hoose si joogto ah u shiro, waxa ay sidoo kale arimahan imaanayaan xili Gudoomiyaha Aqalka sare kahor yimid xeerarka la horgeeyay Golaha Shacabka oo qaarkood la ansixiyay.