Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ka hor yimid go’aanka Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyey in Gobolka Banaadir 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare, isagoo eedeyn ba’an u jeediyey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayuu caddeeyay inay sharci darro tahay wixii ka dhacay Baarlamaanka, wuxuuna ka digay in Madaxweyne Farmaajo uu dalka ku wado God iyo xaalad halis ah, isagoo kula shirkoobay guddoonka Baarlamaanka ee Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo ku xigeennadiisa.
C/raxmaan Faroole wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ahayd inuu Dastuurka dhowro inuu isagii ku tumanayo, isla markaana aan lagu fiirsan karin waxa uu ku dhaqaaqay, isagoo caddeeyey inay aqbaleynin sharci darrada ay ku socoto madaxtooyada iyo dhibaatada ay dalka u horseedeyso
Senator Faroole wuxuu ku dooday in 13-ka xubnood ee Baarlamaanka Soomaaliya siiyey G/Banaadir si ay uga mid noqdaan Aqalka Sare ay sharci darro tahay, looguna talogalay in dadka lagu kala qeybiyo.