Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa la sheegay inay xalay dil u geysteen Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Daahir Carte.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay Dableyda weerar ka geysteen Goob Ganacsi oo uu Marxuumku ku lahaa magaallo-xeebeedka East London ee Gobalka Eastern Cape ee dalkaasi.
Marxuumka la dilay waxa uu ahaa Ganacsade iyo Nabadoon ka dhex muuqday Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalkaasi.
Dableyda weerarka geysatay waxaa la sheegay inay baxsadeen, kadib, markii ay dileen Marxuumka.
Ciiddan ka tirsan Booliska dalkaasi ayaa tegay goobtii lagu dilay Marxuumka, waxayna baaritaano ku sameeyeen qaabkii loo dilay Marxuumka, inkastoo aysan jirin fal lagu soo qabtay dableydii geysatay Dilkaasi.
Dhinaca kale, Ganacsade Soomaali oo lagu magacaabo Cumar Axmed Dhiblaawe ayaa lagu dhaawacay goob Ganacsi oo uu ku lahaa Deegaanka Daveyton oo 15-KM u jirta Degmadda Benoni ee dalkaasi.
Dhibanaha waxaa haatan lagu daaweynayaa Isbitaal ku yaalla Deegaanka Daveyton.
Inta badan Burcadda Koonfur Afrikaanka waxay beegsadaan Ganacsatada Soomaalida oo iyaga noqday dadka Ajaaniibta ee ugu nugul ee dalkaasi loogu geysto Dilalka iyo Dhaca Hantiyeed.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horeysay oo Muwaadiniin Soomaali ah lagu dilo dalkaasi, iyadoo ilaa 8 Ganacsato Soomaali ah bishan oo keliya lagu dilay, mana jiraan dad loo soo qabtay dilalkaasi.