Bannaanbaxyo waaweyn ayaa ka socda Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, kadib dil xalay lo geysay fannaan caan ah oo kasoo jeeda Dadka Oromadda Haacaaluu Hundeessaa.
Fannaankan Haacaaluu Hundeessaa oo koox hubeysan tooagasho ku dileen ayaa ahaa Fanaan door weyn ka soo qaatay Dibad-baxyadii Qoomiyadda Oromadu ka samaysay dalka Itoobiya isla-markaana horseeday Isbeddelka ka dhacay siyaasadda iyo Hoggaanka sare ee dalkaasi.
Fannaanka ayaa qaadi jiray Xilliyadii Dibad-baxyada Heeso uu ku kicinayo shucuurta Dhallinyarada Qoomiyadda Oromada ayaa dilkiisa uu dhaliyey carro weyn oo keentay inay dad badan isugu soo baxaan wadooyinka caasimadda Itoobiya.
Illaa hadda lama oga Cidda dilkiisa geysatay, balse Kumanaan Dhallinyardaa Qoomiyadda Oromada ah oo Xalay isku urursanayey Albaabka Cisbitaalkii uu Fanaanku ku Geeriyooday ayaa Saaka Mudaharaad ka sameeyay Magaalada, iyagoo dab qabadsiiyey Taalada Boqor Mililik oo ka soo jeeda Qoomiyadda Axmaarrada ee Itoobiya, taasi oo dhalisay shaki ah in Oromadu Dilka Fanaanka ku tuhmayso Axmaarrada.
Wararkii ugu danbeeyay aya sheegaya in dowladda Itoobiya ay gebi ahaanba xirtay khadkii Internet-ka, iyadoo ciidamo badan la dhigay wadooyinka Addis ababa.