Guddiga Agaasimayaasha ee Hay’adda Bangiga Adduunka waxay ansixiyeen in Somalia la siiyo dhaqaale dhan 40 million oo Dollar ee Taageeradda Horumarinta Caalamiga, taasi oo qeyb ka ah Maaliyada Degdegga ee Somalia looga taageerayo La-dagaalanka Ayaxa Lama-degaanka.
Qoraal la soo dhigay Webpage Bangiga Adduunka ayaa lagu muujiyey inay Taageradaasi qeyb ka tahay Barnaamijka Jawaab-celinta Degdega ee looga hortagayo Khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo Nidaamka U-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo Bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka.
Duullaanka Ayaxu ka geystay Somalia ayaa waxa uu saamayn xoogan ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 Degmo oo ka tirsan Dalka Somalia, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% Dhaqaalaha Somalia
Agaasime-Gobaleedka Bangiga Adduunka ee Somalia, Carlos Felipe Jaramillo waxa uu sheegay in duullaanka Ayaxu khatar ku hayo sii-socoshada Xaalladda Aadminimo ee haatan ka jirta Somalia iyo inuu horseedo yaraanshaha helitaanka cuntada, khasaaro dhinaca Dakhliga iyo Iska-horimaad ku salaysan Kheyraadka iyo xulashada dhaqdhaqaaqyada guurguuritaanka oo xadidan.
Waxa uu intaasi ku daray inay DFS ka taageerayaan sidii Nidaamka Badbaadinta Bulshadda ee Barnaamijka Baxnaano si dhaqsaha uga jawaab celin lahaa in Beeraleyda iyo Xoolaleyda laga badbaadiyo heerarka khatarta ee Haqab-beelka Cuntada iyo in laga hortago inay iska iibiyaan ama khasaaro kala kulmaan Dakhliga Wax-soo-saarkooda.
Dhinaca kale, Haweeneyda Hoggaamiyaha u ah Kooxda Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Somalia, Afrah Alawi Al-Ahmadi waxay sheegtay in Mashruucan taageeri doono qiyaastii 100,000 oo Qoys, kuwaasi oo laga taageeri doona Lacagaha Kaashka iyo Baahiyayaalka Asaasiga ah, si loo badbaadiyo Noloshooda inta lagu jiro Qalalaasahaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Deeqda cusub ee ay Guddiga Agaasimayaasha ee Hay’adda Bangiga Adduunka shalay anixiyeen ku soo beegmaysaa, hal isbuuc kadib, markii ay ansixiyeen 55 million oo Dollar oo Taageeradda Horumarinta Caalamiga oo lagu taageerayo Dib-u-habaynta Siyaasadda Dhaqaalaha Somalia ee sanad-maaliyadeedka haatan socda, Maaraynta Maaliyadda, sidii loo xaqiijin lahaa Barnaamijka Dib-u-habaynta ee lagu taageerayo Somalia, Dib-u-hawlgelinta iyo Dib-u-habaynta Maalgelinta Horumarinta Siyaasadda dheeriga iyo in dib loogu eego Miisaaniyadda sanadkan 2020-ka.
Xigasho: World Bank