Waa muhim in Mogadishu ey Matalaad ku yeelato Aqalka sare. waa Guul in Baarlamaankii ey taageereen . ogoow Labada Aqalka midna xaq uma laha in ey diidaan, Laakin waa taageeri karaan.
Waa muhim in Masuuliyiintii Dowlada ee Diidanaa ey ku Af gobaadsadaan Hambalyo.
weli Xaaladu koow ma joogto, yaan Shacabka Bac Siyaasadeed loo tuurin. Qaar ka mid ah isla kuwii Maanta Hambalyeeyay ee Koofiga Boqorka Mugadishu u saaray ( F.S: 1aad) ayaa Qorsheeynaya in ey Dab ku qabtaan 13 xubnood.( F.S:2aad).
Ilaa laga dhiso Maamulkii Gobalka Banadir ee soo xuli lahaa xubnahaa, weli Bac Siyaasadeed ayaa Shacabka loo ruxayaa.
((Qiiro Japan yeeyna na qaadin, kadibna Howshii socotay yaan la qaboojin “Aan ku Dadaalno in deg deg loo dhiso Maamulkii soo magacaabi lahaa xubnaha, haddii kale waa farxad Xafladeed Maalin ku eg” )).
Sababta aan weli u hambalyeey waayay ayaa ah, in weli shaqo badan na sugee. Haddii Xaq u raadinta Banadir ey dhab naga tahay.
Gabadhii 40 jirka aheyd ee la soo doontay ,waxaa lagu yiri: Muddo dheer kadib, Maanta waa lagu soo doontay ee Alxamdu, Al Shukru deh. waxa ey tiri: Al xamdu waan leeyahay, Laakin Al shukru ku dari maayo, oo weli leeyma Guri geeyn.
Hadda Reer Banadir waxa ey joogaan Al Xamdu inta laga dhisayo Maamulkii 13ka xubnood soo xuli lahaa.
wiil ayaa waxa uu yiri: Aabe sida aan Fallaarta ula helay ma ka heshay, Aabihii ayaa yiri: Waa intaa oo aad ula sii dhawaato. Reer Banadiroow la sii dawaada Codkiina.
Hore iyo Gadaalba iska fiiri, si aad u guuleysato, Gar daro ha qaadan, Gar diidina ha noqon, Allana tala saaro, waa iga talo.
FG: Haddaba ogoow, Annigu Xubin kama rabo Golaha, Shakhsiyad iga mudan oo iiga xaq leh ayaa jiro.
Qore: Yahya Amir.
<img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
<img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
<img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
Mucjis M. Cumar, Gacal Midnimo iyo 312 kale
92 Fallo
132 wadaag