Soomaaliland ayaa soo bandhigtay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 130 ruux,balse Cudurka laga helay 17 kamid ah dadkaas,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 11 Rag ah iyo lix Dumar ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin 11 Magaalada Hargeysa, hal 6 ay ku sugan yihiin Magaalada Berbera,waxaana Guddigu sheegeen in 17 Cudurka laga helay 6 kamid ah yihiin Ajaanib.
Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana weli deegaannada Soomaaliland ka socda baarista Cudurka COVID-19.
Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 698 Ruux 148 Qof ay ka bogsoodeen halka 28 Ruux ay u geeriyoodeen.