Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Madaxtooyada Soomaaliya ay Fariin udirtay Hogaamiyeyaasha Dawlad Gobolleedyada Dalka ka jira.
Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in Muqdisho iskugu yimaadaan Madaxda Maamul Gobolleedyada sida Siciid Dani,C/casiis Lafta gareen,Axmed Qoor qoor,Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Waare.
Seddex Ka mid ah Maamul Gobolleedyadani waxay Dawlada gacan bir ah ku heysataa balse Labada laan Ee Jubbaland iyo Puntland ayey dooneysaa inay soo xero geliso.
Xafiiska Madaxweyne Farmaajo waxa uu marti qaad rasmi ah u diray, dhammaan Hogaanka Maamul Gobolleedyadu in ay soo dirsadaan xubna metelaya, oo ka mid noqon doona Guddi farsamo, oo qaban-qaabinaya shirweyne looga tashanayo Doorashooyinka dalka, oo ay isugu imaanayaan Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah.
Axmed Madoobe ayey gaartay Casumaadaasi waxaana uga qeyb galaya Wasiirka Madaxtoyada Jubaland Xirsi Gaani oo lo magaacabay ka qeyb galka shirweynaha Doorashada Dalka looga hadlayo.
Isku soo dhawaanshiyo Siyaasadeed ayaana laga yaabaa inuu ka dhasho isku imaatinkaasi,xilli Jubbaland iyo Puntland Dawlada Dhexe muddooyinkii dambe Xasarad ka dhex oogneyd.