Muqdisho:-Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray hadalkii Ra’iisul Wasaare uu dhawaan ku balan qaaday in dalka ay doorasho ka dhici doonto waqtigii loo asteeyay.
Xisbiga ayaa war-saxaafadeedkan ku soo dhaweeyay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha waxaana looga dalbaday qoraalkan in hadalkaas uu u bedelo ficil oo xukuumadiisu ay qaado tallaabooyin muuqda.
Sidoo kale Xisbiga Wadajir ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday in saamileyda siyaasadda dalka ay xukuumadiisu u furto jawi wadahadal si looga xaajoodo hanaan doorasho oo la isla waafaqsan yahay.
“Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in muda xileedka xukuumadda uu aad u koobanyahay, sidaas darteed waxaa waajib ah in xukuumaddu qaado tallaabooyin deg deg ah, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed, lana helo doorasho la isaga raali yahay oo xilka si nabad ah loogu kala wareego” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Qoraalka oo dhameystiran Hoos ka akhriso:-