Dowladda Shiinaha ayaa markab dagaal oo ka dhigan kii 35-aad ee Ciidamada Xoreynta Shiinaha usoo dirtay Gacanka Cadmeed iyo Biyaha Soomaaliya si ay ugu biiraan howlgalka ilaalinta Maraakiibta iyo doomaha rayidka.
Markabka waxa uu ka soo shiraacday Dekedda Magaalada Zhoushan ee Gobolka Zhejiang, sida ay warisay Wakaaladda Warararka Shiinaha ee Xinhua, waxaana markabkaan uu soo tagay 29-kii Bishii tagtay Abriil ee sanadkaan.
Waa markab Casri ah oo xambaarsan Gantaalada wax burburiya ee “Jingzhou” iyo markabka sahayda “Chaos”, waxaana saaran in ka badan 690 ruux oo isugu jirta sarakiil iyo askarta Ciidamada Badda iyo labo kamid ah diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka.
Tallaabadaan waxa ay kusoo aadeysaa xili Dowladda Shiinaha Xeebaha Soomaaliya ka daadgureysatay Ciidamo iyo Maraakiibta dagaalka sanadkii 2008-kii, kadib muddo kooban oo ay ku jireen ol-olihii ka dhanka ahaa la dagaalanka Burcad badeedda Soomaaliya oo waqtigaas dardar xooggan ku socday.
Markabkaan xambaarsan Gantaalada wax bur-buriya ee Dowladda Shiinaha usoo dirtay Soomaaliya ayaa noqonaya howlgalkii ugu horeeyay oo uu qayb ka noqdo la socodka badqabka Maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan.
Shiinaha waxa uu saldhig militari ku leeyahay Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana sidoo kale saldhig dalkaas ku leh Mareykanka oo ka dhex aloosan xifaaltan dhanka Ganacsiga iyo militariga ah, waxaana loo badinayaa in arrintaan lagu xoojinayo awoodda Ciidamada kaga sugan dalkaas.
Xigasho:- Security & Defense Arabia.