Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujiyay ciidamada Dowladda Federaalka ay geysay qeybo ka mid ah gobolka Gedo kuwaas oo dagaal adag la galay ciidanka Jubbaland.
Golaha ammaanka ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka in ciidamadaas laga soo soo saaro Gedo,islamarkaana la xoojiyo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Dhinaca kale waxay Golaha Ammaanku ugu baaqeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan. Dawladda Maraykanka sarkaalka u hadlay ayaa ugu baaqday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada.
Dowladda Federaalka ayaa aqoonsaneyn maamulka Jubbaland gaar ahaan natiijada doorashada sanadkii hore ka dhacday magaalada Kismaayo oo lagu doortay Axmed Madoobe.
Beesha caalamka ayaa ku baaqday in dhinacyada saamileyda siyaasadeed ee is diidan ay wada hadlaan,islamarkaana xal ka gaaraan mari waaga siyaasadeed ee jira.