Muuse Biixi Cabdi,Madaxweynaha Somaliland oo maanta hadal ka jeediyay sannad-guurada 18-May oo ku beegan 1991-dii markii maamulkaasi ku dhawaaqay goonni-goosadka, ayaa mar kale ka hadlay mowqifka Somaliland ee ku aaddan wada-xaajoodka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliland , ayaa sheegay in haddii la doonayo wada-hadal dhab ah oo dhexmara Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, ay marka hore shardi tahay in sidii laba dowladood oo deris ah loo wada hadlo.
Madaxweyne Biixi ayaa , wuxuu sheegay in Somaliland aysan wax wada-xaajood ah la geli doonin dowladda Soomaaliya, inta mas’uuliyiinta Xamar joogta ay Somaliland ugu yeerayaan magaca “gobollada waqooyi ee Soomaaliya” taasina ay tahay xaqiraad sida uu hadalka u dhigay.
Muuse Biixi wuxuu in wada-hadalka labada dhinac ka hor, ay tahay in laga heshiiyo Ajandaha laga wada-hadli doono, isagoo xusay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aaminsan yihiin in midnimo oo keliya laga wada hadli karo, halka Somaliland aaminsan tahay in kala go’ oo keliya laga wada-hadlo.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dhinaca kale soo jeediyay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay maxkamad caalamiya isla tagaan, haddii wada-hadalka lagu heshiin waayo, si ay u kala saarto.