Xaqiraadii muddada Dheer lagu hayay G/Banaadir ayaa haatan u muuqata inay soo Gaba-gaboobayso, Khaylo-dhaantii Shacbiga G/Banaadir kama darin, Nasiib wanaag 20 sanno kadib ayaa la moodaa inuu soo iftiimay xaqii G/Banaadir!
Maalmahaan waxaa magaalada Muqdisho ka Socday shir ay lahaayeen Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka, Shirkaas oo ummadda reer Muqdisho ay isha ku haysay ayaa waxaa ka soo baxay qoddobo Farxad galiyay shacbiga G/Banaadir.
Guddigaas oo gacanta ku hayay Afar Xeer ayaa Xeerarka ay ka soo shaqeeyeen waxaa ka mid ah Xeer cusub oo qeexaya kuraasta Aqalka Sare ee la dhigayo Gobolka Banaadir, arintaas oo noqon doonta markii koowaad ee Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka Sare.
7 kursi oo u gaar ah G/Banaadir ayaa loo qoondeeyay in la dhigo magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu dooran doono hab qeybsiga loo yaqaanno 4.5!
Tirads cusub ee dheeriga ah ee la siiyay G/Banaadir ayaa Ku biiri doonto 54 Kursi ee uu horey uga koobnaa Aqalka Sare.
Go’aankaan cusub oo ay qaateen Guddigii loo xil saarey Diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka ee Labada Aqal ayaa meel marintiisa waxay u baahnaan doontaa in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya!!!
Dhanka kale Waa bishaaro wanaagsan in markii ugu horeysay G/Banaadir uu Matalaad Ku yeesho Aqalka Sare!!!
WD:C/Laahi Shiikhaalow