Laba dumar oo u dhashay dalka Hindiya ayaa waxay foosha ku qabatay tareenka dhexdiisa maalintii Axadda.
Hooyooyinkan ayaa kala saarnaa laba tareen oo ay saarnaayeen shaqaale soo galootiga ah una sii jeeday gobolka Odisha.
Mid ka mid ah waxay xanuunkeeda u sheegtay shaqaalaha tareenka si loogu dajiyo xarunta ugu dhaw, waxaa caawiyay oo ka dhaliyay sarkaal dhanka caafimaadka ah oo ku sugnaa xarunta tareenka.
“Hooyada iyo ilmahaba wey wanaagsanyihiin” waxaa sidaas warbaahinta dalka Hindiya ku yiri saraakiishii halkaas ku sugnaa.
Kiiska kale, waxaa la joojiyay tareenka halkaas oo gaari ay booliska leeyihiin si degdeg ah loogu keenay balse haweenayda ayaa ku dhex dhashay gaariga booliska.