Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta labada diyaarsdood oo sida gurmad kala duwan ay u dirtay Magaalada Qardho ee Gobolka Bari,halkaas oo ay kusoo rogmadeen fatahaado ka dhashay roob ka da’ay.
Labada diyaaradood ayaa waxaa la socda Wafdi Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xubno kale,kuwaas oo Maamulka Puntland ku wareejinaya deeqda gurmadka ah.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo kamid ah Xubnaha Wafdiga ayaa sheegay inay marka hore tegi doonaan Magaalada Garoowe ka dibna u gudbi doonaan Magaalada Qardho ee dhibku soo gaaray, si ay u gaarsiiyaan gurmadka Dowlada Federalka Soomaaliya u fidisay dadkii dhibaatadu ka soo gaartay daadadkii magalada kusoo rogmay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay indha-indheyn iyo qiimayn ku samayn doonaan baaxada dhibaatada l a egtahay, si looga caawiyo Maamulka Puntland dhibaatada gaartay Magalada iyo Dadka Reer Qardho.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalin ka hor Maamulka Puntland waxaa ay ku wareejisay lacag hal milyan oo Dollar ah oo loogu gurmanayo Shacabka dhibaatadu gaartey ee Magaalada Qardho.