Sida oo goor dhaweyd oo ku dhawaaqay wasiirka diinta iyo Owqaafta ee dowlada Soomaaliya ayaa maalinimada beri ah maalinta kowaad ee ciidul fidriga.
Wasiirka ayaa sheegay in qeybo kamid ah gobolada dalka iyo magaalada muqdisho laga arkay bisha taasina kadhigeyso in ay tahay maalinta kowaad ee Ciidul Fidriga.
Wasiirka oo shacabka soomaaliyeed kala hadlaaye warbaahinta dowlada ayaa shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay ciidul Fidriga waxaana oga digay in siweyn ugu dabaal dagaan madaama cudurka Covid 19 dhibaato ku haayo gudaha Soomaaliya.
Sido kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada waa weyn ee Soomaaliyeed ayaa asagana shaaciye in beri tahay maalinta kowaad ee ciidul Fidriga madaama lagu arkay qeybo kamid ah gudaha dalka Kenya iyo Itoobiya.
Isku soo wada duub dalalka waa weyn ee caalamka ayaa maalinimada beri utahay maalin soon ah ayagoo sheegay in kaamili donaan 30 bisha ramadaan.