Warar dheeraad ah ayaan ka helnay Qaabka uu udhacay Dilkii maanta gelinkii hore loo geystay Gudoomiye Waaxeedkii Halgan Ee Degmada Dayniile C/qaadir Fooldib.
Marxuumka ayaa waxaa dilkiisa fulisey Xaaskiisa oo lagu magacaabo Farxiyo,iyadoo Dilka ay u adeegsaday Tooreey Ama Mindi.
Fahmo Axmed Maxamed oo aheyd Xaaska kale Ee C/qaadir Fooldib gurigeedana uu kusugnaa markii ay wax dhacayeen ayaa sheegtay in Dilkaasi uu dhacay muran daqiiqado dhexmaray Marxuumka iyo Xaaskiisa Farxiyo.
Waxay sheegtay in gabadha dilka fulisey ay baxsatay oo aan la qaban,waxaana Tooreyda kaga dhacday Wadnaha sida Fahmo ay inoo sheegtay.